MAQAAL: ISIR-SIFEYNTA DOWLADDA KENYA- QORAA : MAXAMED ISXAAQ. | Radio Alfurqaan (2024)

Qoraa lagu magacaabo Muxamad Isxaaq, oo kasoo jeeda gobolka Garisa ee dhulka NFD ee kujira gumeysiga dowladda Kenya, ayaa maqaal uu kaga hadlayo gabood falladii wuxuushnimo ee dhulkaasi ka dhacay waxaa lagu daabacay wakaaladda wararka ee Shahada, oo ka faalloota arimaha bariga Afrika iyo Soomaaliya.

Maqaalka oo ku qornaa luuqadd English-ka, wakaaladuna u tarjumtay luuqadda carabiga ayuu kusoo gudbiyay xaqiiqooyin taariikheed qaraar badan oo ka tarjumaya gumaadyadii arxan darada ahaa ee ay la kulmeen reer NFD, markii ay isku dayeen iney la midoobaan Soomaalida inteeda kale oo ay wadaagaan diin, luuqad, dhalasho iyo dhul intuba.

“ Dhulka NFD, waxaa la isku yiraahdaa gobollada Garisa, Wajer, Mandera, Moyale, Marsabad iyo Siyoolow, 80% dadka ku nool goboladaas waxay door bidayeen iney ku biiraan wixii loo aqoon jiray Soomaali weyn, laakiin gumeystihii Ingiriiska ayaa arinkaas diiday, oo ku daray Kenya-dii xilligaas la aas-aasayay, mamaulkii gumeystaha xigay ee Kenya ayaana xaalad deg-deg ah kusoo rogay NFD, taasoo socotay tan iyo sanadkii 1991-dii, dadka dega NFD ayaana isku dayay iney ka go’aan Kenya, laakiin damacaas waxay Kenya kaga hortagtay dhicieysan milliteri, iyadoo qaaday olole dagaaleedkii Shifta ee socday intii u dhexeysay 1963-dii iyo 1968-dii, mudadii uu dagaalkaas socday waxay ciidamada ammaanka ee Kenya rasaas la dhacayaan wax weliba oo ka dhaqaaqa gobolka, taasoo keentey in gobolku noqdo dooxooyin dhiigu qul-qulo, dad badanna ay ka qaxaan” ayuu leeyahay Muxamad Isxaaq, oo awooweyaashiisu lasoo noolaayeen dhibaatadaas.

Taariikhyahan ay saaxiibo yihiin qoraaga maqaalka, ayaa u sheegay Muxamad Isxaaq in waxa ugu weyn ee horseeday in Nasaarada Kenya si aan horey loo arag u gumaadaan muslimiinta la nool ay tahay cadaawadda soo jireenka ah ee ay u qabaan qof weliba oo muslim ah, taasoo illaa iyo hadda socota.

Riwaayadan waxaa xoojinaya hadallada laga diiwaan geliyay dadkii kasoo badbaaday xasuuq wadareeyadii ka dhacay NFD, sida gumaadkii Wagaala oo kale, kuwaasoo sheegaya in askarta geysanaysay gumaadka ay badankood ahaayeen Nasaaro neceyb fog u qaba muslimiinta, arinka la yaabka leh ayaana ah in Kenya illaa iyo hadda ka been sheegto xaqiiqooyinkaas qaraar ee taariikhiga ah, iyadoo ku andacoota in ciidankoodu ay dhex-dhexaadinayeen qabaa’il Soomaaliyeed oo halkaas ku dagaallamayay.

Mid kamid ah ahdaaftii ay ka lahayd dowladda Kenya, gumaadyadii wuxuushnimada ahaa ee ay ku beegsadeen Soomaalida, waxay ahaayeen- sida uu sheegayo qoraaga maqaalkan Muxamad Isxaaq- in dhulka NFD laga barakiciyo Soomaalida, kadib marka la dilo intii la awoodo, si dhulkaas loogu beero dad Nasaaro ah, arinkaasna waxaa xoojinaya hadal laga hayo madaxweynihii Kenya Jomo Kenyata, kaasoo yiri “ iyaga iyo geeloodaba ha aadaan Soomaaliya”.

“ howlgalkii dowladda Kenya kaga dhawaaqday NFD waxay ugu magacdartey Shifta, oo ah kalimad Soomaalidu adeegsato, loogana jeedo tuugo. Waxay Kenya dooneysay in kalimadaas ay dabool uga dhigto gumaadka ay halkaasi ka geysaneysay, iyadoo dooneysa in Soomaalida ay ku matasho iney yihiin dad tuugo ah, dersiga aan wax loo dhigo lahayn ee laga faa’ideysa gabood falladii Kenya ka geystay NFD ayaana ah in fikradda aan lagu qamcin karin hubka, kaasoo dabacan ka geysan kara saaxada dagaalka, Xarakada Al-Shabaab ayaa isla qadiyadda NFD markale dib usoo nooleysay, iyadoo sida raaya Islaami ah” ayuu leeyahay Muxamad Isxaaq, qoraaga maqaalkan ciwaanka looga dhigay “ Isir sifeyntii Kenya”, laguna daabacay wakaaladda Shahaada.

Mid kamid ah xasuuqyadii dhacay lixdameeyadii ee dhulka NFD loogu geystay dadka Soomaaliyeed, waa weerar bahalnimo oo lagu qaaday masjidka magaalada Siyoolow, halkaas oo lagu dilay 18 wadaad oo salaadda duhurka ku tukanayay masjidka sanadkii 1967-dii, falcelintii ay sameeyeen dadka deegaanka kadibna, waxay dowladda Kenya qudha ka jartay inkabadan 2700 oo qof oo Soomaali ah.

Gumaad midkaas lamid ah ayaa ka dhacay 1980-kii magaalada Garisa, markii ciidamada Kenya ay soo qafaasheen ugu yaraan 3000 oo ruux oo Soomaali ah, kuwaasoo la isugu keeney barxadda weyn ee dugsiga hoose ee magaalada, kuwaasoo saddex maalin oo xiriir ah loo diiday in goobta ka dhaqaaqaan, taasoo keentay in harraad iyo gaajo u le’daan.

Arimaha xusida mudan waxaa kamid ah in xilligaas ciidamada Kenyaatigu ay u ooglaadeen qof kasta oo aan Soomaali ahayn inuu kasoo baxo xerada dadka lagu go’doomiyay, waxaana muuqatay in si gaar ah loo beegsanayay Soomaalida, tallaabadaas waxay dowladda Kenya qaaday iyadoo ku andacooneysa iney ka jawaabeyso tallaabo dhalinyaro Soomaali ah dab ku qabadsiiyeen saldhig ciidamada Kenya ku sugnaayeen, ayna askar ku dhinteen.

Wajeer ayaa Iyana lamid ahayd goobaha ay ka dheceen xasuuq wadareedyada caan baxay ee ay taariikhu diiwaan gelisay, 10kii Febraayo 1984-tii, ayay ciidamada Kenya waxay gegeidda diyaaradaha ee Wagala isugu keeneen dad Soomaaliyeed oo badankood kasoo jeeda qabiilka Dagoodiyaha.

Sida ay ka marqaati kaceen dadka farakutiriska ahaa ee kasoo badbaaday gumaadkaas bahalnimada ah, ciidamada Kenya ayaa soo uruuriyay ugu yaraan 5000 oo ruux oo Soomaali ah, waxayna kadib isugu geeyeen fa*gaaraha Wagala, halkaas oo muda shan maalmood ah ku hayeen dadka, iyagoo aan wax c*nto ah iyo biya toona la siinin, markaas kadib oo ay ciidamada Kenyaatiga rasaas indho la’aan ah ku fureen.

Isagoo is weydiinaya waxay dowladda Kenya ka dhaxshey xasuuqyadaas bareerka ah ee aan loo heleynin tafsiir akhlaaqi ah, ayuu qoraaga maqaalka Muxamad Isxaaq wuxuu leeyahay “ illaa maa xad, dowladda Kenya dadaalkeeda wuu miro dhalay, howlgalkii Shifta wuxuu meesha ka saaray kooxihii Soomaalida ahaa ee doonayay iney ka go’aan Kenya inteeda kale, laakiin carada ka dhalatay gabood falladaas tan iyo 1963-dii ayaa Xarakada Al-Shabaa u sooro gelisay iney NFD ka hesho goob ay cagta dhigto, arimaha cajiibka ah waxaa kamid ah in isla qadiyadii gobolka ay yeelatay hab qaada dhigid Islaami ah, inta badan SOomaalida gobolkan dega waxay la tacaadhufsanyihiin Al-Shabaab, kama dhigna iney diyaar u yihiin fulinta qaraxyo Istish-haadi ah, laakiin waxay xaqiiqadu waxay tahay iney ku farxayaan iney gacan gaarto dadkii soo dhibaateeyey, weeraradii Mpeketoni, Westagte, Jaamacadda Gaarisa iyo kuwa lamid ah ayaa ka dhignaa aargudasho Rabaani ah “ ayuu leeyahay Muxamad Isxaaq.

Intii xaaladda deg-dega ay saarneyd dhulka NFD, waxay Soomaalida halkaas ku nool la kulmeen isbedello lagu doonayay in looga dhigo muwaadniniin Kenyaati ah, loogana saaro qiyamkeeda diineed iyo midkood dhuleed, laakiin difaaca ugu weyn ee ay ka galeen isbedelladaas wuxuu ahaa Islaamka, sida uu tilmaamayo Muxamad Isxaaq.

Inkastoo Soomaalida ku dhaqan gobolka ay qaateen Kabandhaha Kenya ee cadeynaya muwaadnimimada, hadana wuxuu Muxamad Isxaaq sheegayaa in qaadashadaas aaney ka dhigneyn iney daacad u yihiim qiyamka Kenya iyo shacabkeeda, wuxuuna soo bandhigayaa tusaalooyin arinkaasi muujinaya.

Tusaale, haddii dhulka NFD ay gaaraan dad ka tagay Soomaaliya oo doonaya iney halkaas ku noolaadaan, reer NFD uma gudbiyaan booliiska dadka ka yimid Soomaaliya, maxaa yeeley Shareecada Islaamka ayaa diideysa in qof muslim ah loo dhiibo gaal, si kastoo loo weyneyo magaca qaanuunka, ayuu sheegayaa Muxamad Isxaaq inaaney lahayn wax micno ah, marba haddii aan lagu saleyn Shareecada Islaamka.

“ Waxay Soomaaliya si dhab ah ugu noolyihiin mucaskar dadka lagu xiro oo dushe sare ka furan, marka imisa ayaan kusii jiri doonnaa xabsigan infiraadiga ah? Waxaa muuqanaya xurriyad ay tahay inaan u gacma haatinno, cubuudiyadii aan ku jirney 30 sano kahorna sideedii maahan, oo ciidamada ammaanka Kenya waa kuwa taagdaran oo quus jooga, awoodna aan u lahayn iney iska caabiyaan ciidamada Xarakada Al-Shabaab oo saanad ahaan aan u diyaarsaneyn sidooda oo kale, Yurubna waxay ku nooshahay xaalad jahwareer ah sababo ku aadan Ruushka, Shiinahana qiimaha doollarka ayuu dib u dhigay, AFqanistanna waxaa ka taagan Imaara Islaami ah” ayuu leeyahay qoraaga maqaalkan lagu daabacay wakaaladda Shahaada, uuna qoray Muxamad Isxaaq, oo kamid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee kunool dhulka NFD.

“ Gebo-gebadii, anigu maahi siyaasi, laakiin qadiyadan waxay noqotay mid waqti iga qaadato anigoon ku talogalin, waxaana gaaray khulaaso ah in Soomaalida hagardaamada gaartey ay sababteedu tahay iney ka jaahil noqdeen waxa asal ahaan muslimiinta ka dhigay dad milgo iyo Sharaf leh, kaasoo dabcan ah Islaamnimada iyo in loo boholyoobo Islaamka. Inkastoo sanadihii tagay Soomaalida hoos loo dhigay dadnimadooda, hadana asal ahaan waa dad geesiyaal ah, deeqsnimo badan, awoodna u leh iney khaladaadkii ka dhacay ictiraafaan, waxna ka bedelaan, laakiin waxay leeyihiin ceebo ay kamid tahay iney moodaaan in haddii qofku yahay Soomaali uu yahay Islaam, dhamaan dhibaatada ku habsatay waxaa sabab u ah iyagoo tuuray Shareecada, kuna gaabsadeen oo keliya in si maalinle ah u gutaan shacaa’irta diineed” ayuu leeyahay Muxamad Isxaaq, qoraaga maqaalkan.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin MAQAAL- ISIR-SIDEYNTA KENYA- Muxamad Isxaaq

MAQAAL: ISIR-SIFEYNTA DOWLADDA KENYA- QORAA : MAXAMED ISXAAQ. | Radio Alfurqaan (2024)

References

Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Kareem Mueller DO

Last Updated:

Views: 6401

Rating: 4.6 / 5 (66 voted)

Reviews: 89% of readers found this page helpful

Author information

Name: Kareem Mueller DO

Birthday: 1997-01-04

Address: Apt. 156 12935 Runolfsdottir Mission, Greenfort, MN 74384-6749

Phone: +16704982844747

Job: Corporate Administration Planner

Hobby: Mountain biking, Jewelry making, Stone skipping, Lacemaking, Knife making, Scrapbooking, Letterboxing

Introduction: My name is Kareem Mueller DO, I am a vivacious, super, thoughtful, excited, handsome, beautiful, combative person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.